Markabka MV Abdullah ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya islamarkaana u afduuban burcad-badeedda ayaa lagu wadaa in lacag madax-furasho laga bixiyo, si looga sii daayo kooxdaasi.
Milkiilayaasha markabka MV Abdullah ee tan iyo bilowgii bishii Maarso gacanta ugu jira burcad-badeedda ayaa ku wargeliyay in heshiiska ay ku sii deynayaan markabka la dhammeystiri doono ka hor munaasabadda ciidul fidri, si shaqaalaha markabka saaran oo dhammaantood u dhashay Bangladesh ay qoysaskooda ula ciidaan.
Kooxda markabka haysata ayaa horay u dalbatay $5 milyan, ma cadda waqtiga ay kooxdan lacagta soo gaarayso iyo arrinta ugu muhiimsan oo ah sida ay uga deggayaan markabka oo meel aan ka fogeyn uu ku suganyahay markab dagaal oo ay leeyihiin Midowga Yurub, balse iskuday kasta oo lagu weerarri karay markabka waxaa diidday dowladda Bangladesh iyo milkiilayaasha markabka.
PUNTLAND POST