Khilaaf iyo hubanti la’aan ayaa weli ka taagan nooca ay u qabsoomi doonto doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa bishii hore shaaciyay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qaban doono hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod islamarkaana ay ku qabsoomi doonto wakhtigeeda rasmiga ah.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo ka jawaabay hadalka madaxweyne Deni ayaa dhankooda ka horyimid in doorashada lagu qabto hannaanka qof iyo cod waxaana ay soo jeediyeen in lagu laabto sidii hore ee 66-ka.
Khilaafka labada dhinac oo weli taagan ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah Baarlamanku ansixiyo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo qaabilsan hirgelinta doorashada hannaanka qof iyo cod.
Inkastoo aysan hadda caddayn nooca doorasho ee Puntland aadi doonto 2024 haddana dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in aysan wakhtiga harsan suurta gal ahayn doorasho qof iyo cod ah.
PUNTLAND POST