36 ajaanib ah oo ku eedaysan kalluumeysi sharci-darro ah ayaa maanta mar kale maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho.
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegeysiga dacwad loo haysto 36 Eedeysane oo hore ay xukun ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Xeer ilaaliye ku-xigeen guud ee Maxkamadda Racfaanka Yaxye Maxamuud Siciid ayaa gar-maqalka maanta ka sheegay in ay Maxkamadda hor keenayaan dhamaan cadaymaha lagu hayo 36 eedaysane.
Dhammaan Raggan ku eedaysan kalluumeysiga sharci-darrada ah waxa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Ilaalada Xeebaha dowladda Federaalka Soomaaliya.