Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada.
Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa sheegay in Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Siciid Deni ay Galabta la wareegeen Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada.
“Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay Dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamada Puntland ee ku jira Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah”guddiga taakuleynta Ciidanka ayaa sheegay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee hawlgalada ku jira” ayuu sii raaciyay Qoraalka.
PUNTLAND POST