Dowladda ayaa maanta shaacisay warbixin ku saabsan heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland.
Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC oo shaacisay warbixintaasi ku saabsan heerka xanuunka ayaa sheegtay in tirada guud ee dawada HIV/AIDS-ka qaadata yihiin 646 qof.
Sida ay muujinayso warbixinta hay’adda PAC, waxaa magaalada Gaalkacyo oo keliya daawada AIV/AIDS-ka qaata 205 oo qof, halka caasimadda Garoowe ay daawada qaataan 197 ruux.
Magaalada Boosaaso waxaa daawada AIDS-ka qaata 181 qof, halka Qardho ay 54 qof ay qaataan dawooyinka HIV-ga, islamarkaana degmada Badhan 9 qof oo keliya qaataan daawada xanuunkani, sida ay tilmaantay warbixinta PAC.
Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa warbixintani ku soo bandhigay xuska maalinta Aids-ka aduunka oo maanta Garoowe lagu qabtay.
PUNTLAND POST