MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa subaxnimadii saaka ka hadlay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday meel u dhow Nosy Iranja ee dalka Madagascar. Wasiirka ayaa sheegay in laba doon ay ku qalibmeen badda, kuwaas oo ay saarnaayeen Soomaali badan. Doonta koowaad waxaa saarnaa 32 qof, halkaas oo 9 qof ku geeriyoodeen, halka doonta labaad ay sidday 38 rakaab ah, kuwaas oo 15 qof ku dhinteen.
Wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada dadka geeriyooday, isagoo sidoo kale Alle uga baryay caafimaad dhammaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa waxyeellada ka soo gaartay shilkan. Wasiirku waxa uu ballanqaaday in dowladdu si dhow ula shaqeynayso hay’adaha ku habboon ee caalamiga ah si loo hubiyo badbaadinta iyo soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee badbaaday.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u iftiimiyay qatarta tahriibka, isagoo ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka fogaadaan halista galaangalka badda iyo dhibaatooyinka ku xeeran tahriibka si ay uga badbaadiyaan naftooda qatarta iyo dhibaatooyinka la xiriira safarrada sharci-darrada ah.