Taliyaha guud ee ciidanka Sacuudiga, Marshal Fayyad bin Hamed ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegey magaalada Tehran ee xarunta dalka Iran.
Marshal Fayyad bin Hamed ayaa Tehran kula shiray taliyaha guud ee ciidanka Iran, Major General Mohammad Bagheri, waxaana la sheegay in ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.
Waxyar kaddib kulankan, waxaa khadka telefoonka wada-hadal ku yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian iyo dhaxal-sugaha boqorka Sacuudiga,Mohammed bin Salman.
Sacuudiga ayaa hadda dib u hagaajinaya xiriirka uu la leeyahay Iran oo dib loo soo celiyay, kaddib dhex dhexaadin uu sameeyay Shiinaha , iyadoo hadda labada dal ee mar cadowga isku ahaa ay muujinayaan sida ay u doonayaan iskaashi iyo wanaajinta xiriirkooda.
PUNTLAND POST