War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.
War-murtiyeedka Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayay kaga horyimaadeen Isbeddel kasta oo lagu sameeyay Dastuurka Soomaaliya kaasi oo ay ku sheegeen mid aan sharciga waafaqsanayn.
Xildhibaannada Heer Federaal iyo Heer Puntland ayaa isku raacay in aysan marnaba Natiijo Siyaasadeed iyo mid sharci ah ka dhalan karin Dastuur wax looga beddelay si aan heshiis lagu ahayn islamarkaana aysan qayb ka noqon doonin Puntland.
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya uga digay in ay soo saaraan Heshiisyo Siyaasadeed oo aan loo dhammayn.
Halkan ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST