Xamaas ayaa warbixin ka soo saartay dilkii maxbuus Israa’iili ah oo uu toogtay mid ka mid ah ciidanka Xamaas ee ilaalinayay.
Bayaan rasmi ah oo uu soo saaray afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas ayuu ku xaqiijiyay in askariga ilaalinayay maxaabiista uu dilkan u geystay hab aargoosi ah.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qasa ay ku dhinteen labaka mid ah carruurta askariga toogtay maxbuuska, taasi oo ku dhalisay inuu markiiba ka aargoosto maxaabiista uu hayay.
“ Waxaan cadeyneynaa in dhacdadu aysan matalin anshaxa iyo manhajkeena diineed ee la macaamilka maxaabiista, waxaana adkayn doonaa ilaalinta maxaabiista”.
“Israa’iil ayaa iska leh mas’uuliyada waxa ay la kulmayaan maxaabiista, taasi oo ka dhalatay ku xad-gudbida dhammaan xeerarka bini’aadantinimo iyo ku dhaqanka xuquuqda aadanaha”ayaaa lagu yiri bayaanka Xamaas.
PUNTLAND POST