MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.
Kulanka oo looga hadlay dib u heshiisiintii lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo oo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS garwadeenka ka ahaa ayay Marwo Anita Kiki Guddoomiyaha ku ammaantay doorkii muhiimka ahaa iyo daadihinta shirka ayay sheegtay in UNSOM ay ka go’an tahay kaalmo kasta oo ku aaddan dib u heshiisiinta dalka, taageerida Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyo sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha iyo mudaneyaasha Golaha Shacabka BJFS.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Marwo Anita Kiki Gbeho uga mahadceliyay ayaa xusay sida UNSOM ay qeyb uga qaadatay taageerida shirkii dib u heshiisinta Koonfur Galbeed oo guul ku soo dhaamaday ayuu ku boggaadiyay dadaalada beesha caalamka ay ku dooneyso hanaaanka geedi socodka nabada iyo xasiloonida dalka.
DHAMMAAD.
Related