Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan waddanka Eritrea ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Asaias Afwerki.
Labada Madaxweyne ayaa wada-hadal ka yeeshay xaaladda Geeska Afrika iyo Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka ee dalka Eritrea.
Dhinaca kale labada Madaxweyneayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhegeystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.
PUNTLAND POST