Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Lixda bilood ee ka harsan sannadkan 2024.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Baarlamanku maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Lixda bilood ee July ilaa December.
Miisaaniyadda Lixda bilood ee uu ansixiyay Baarlamaanka ayaa dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar) siday sheegtay wasaaradda Maaliyadda.
“Miisaaniyadda ay maanta Golahu ansixiyeen ayaa dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar)” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan horgeysay golaha Wakiilada Miisaniyadda Lixda bilood ee (July-December) 2024 taasi oo akhris dheer iyo doodo dibna golahu ay ansixiyeen.
PUNTLAND POST