Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa ka jawaabtay war shalay sheegtay dawladda Federalka Soomaaliya kaas oo ay ku sheegeen in ciidanka DFS oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgal ku dileen maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shaaab oo ku sugnaa buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ay faafisay wasaaradda warfaafinta dawladda Eoomaaliya, waxaana lagu sheegay in ciidan ka tirsan SNA aysan ka howgalin Puntland.
Warka ka soo baxay Puntland laguma xaqiijin jiritaanka ama jiritaan la,aanta howlgalka ay dawladda federaalku sheegtay in lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab oo ku sugnaa buuraha Calmadow Puntland.
Hoos ka akhriso war-saxaafaadeedka.
PUNTLAND POST