Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Abdi Farah Juxa ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso Goleyaasha Deegaanka ee dhiman, lana qabto doorashada 3-da Degmo ee dhiman.
Wasiir Juxa oo ka hadlayey Kulan looga doodayey Jihaynta Barnaamijka Dawladda iyo Dhamaystirka Geedi Socodka Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in guddiga doorashada PEG looga baahan yahay inay ku dhawaaqaan waqtiga kama danbaysta ah ee doorashada la qabanayo.
Wasiir kuxa ayaa intaa ku daray in degmada Garoowe aysan u baahnayn diiwaangalin cusub islamarkaana ay dad ku filan ay iska diiwaangaliyeen,isagoo sheegay inaan dhaqaale iyo waqti loo hayn diiwaangalin cusub.
‘’ Magaalada Garoowe waxay ka cod badan tahay marka lays ku geeyo ,Gobolka Sanaag , Gobolka Haylaan , Gobolka Raascasayr , Gobolka Karkaar oo laga reebay Magalada Qardho, intaas oo ah 17 degmo ayey ka cod badan tahay”Yiri Wasiir Jubaxa.
Wasiir Juxa ayaa bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ugu baaqay inay inay u diyaar garooban qabashada doorashada degmooyinka dhiman ee Garoowe,Eyl iy Dangoroyo oo ka tirsan gobolka Nugaal.
PUNTLAND POST.