Puntland ayaa markale caddeysay in aysan qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka Laascaanood uu u dhaxeeyo oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah.
Puntland waxay tilmaantay in cidkasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso ay tahay marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah.
Puntland waxay xustay in dagaalkaas xalkiisu uu yahay, iyadoo ciidamada Sonaliland ka baxaan gobolka, dadka deegaankana loo ogolaado in ay ayaahooda ka tashadaan.
Puntland ayaa arrintan ka hadashay, kaddib markii xalay ay Somaliland sheegtay in ciidamo ka tirsan Puntland ay gudaha u galeen magaalada Laascaanood.
PUNTLAND POST