Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Soomaaliya gashay qalalaase Siyaasadeed iyo mid Amni oo horseedi kara dhaawac gaara Wadajirka iyo Midnimada dalka.
“Dalkeennu wuxuu galay marxalad siyaasaddeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, dhaawac gaara wadajirka dalka iyo qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga dalka. Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada uu yahay hannaan ka dhexeeya hay’adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, islamarkaana tiir dhexaad u yahay siyaasad loo dhan yahay, sidaas darteed in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu weli ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo ayuu Farmaajo ku tilmaamay “tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.”
“Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada waa hannaan ka dhexeeya hay’adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, waana arrin tiir dhexaad u ah siyaasad loo dhan yahay, sidaas darteed in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.
Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, uu micnaha keliya ee lagu fasiri karo noqonayo in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud.
Mudane Farmaajo waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu talada dhexda dhigo, horseedna uusan u noqon in dalku uu kala tago iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ku dhammaan karta qalalaase iyo dib u dhac qaran, halka uu dhinaca kale Dowlad Goboleedyadda, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka ugu baaqay in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la’aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.
PUNTLAND POST