Laascaanood (Faallo) — Hoggaamiye ku xigeenka maamulka ku meelgaarka ee Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo (SSCK) Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay shirweyne dastuur lagu qorayo si “ dad iyo dal ay ugu soo biraan maamulka SSCK.” Haddii ereyga dal uusan yeelanin “macne” cusub, way caddahay in hoggaamiye ku xigeenku qaldan yahay. Sababaha shirweyne aan loogu baahnayn waxaa ka mid ah:
1- SSCK weli xaalad dagaal ayay ku jirtaa.
2- Maamulka SSCK weli ma soo bandhigin sida uu maamul ahaan uga madaxbannaanayo Puntkand oo ah maamulka keliya oo aqoonsan SSCK. Sidaas darteed uguma baaqi karo beelo Puntland ka tirsan inay ku soo biiraan SSCK.
3- Ceerigaabo ma aha arrin u taalla SSCK oo keliya. Waxay u taallaa beelaha degmada deggan oo dhan. Marka laga hadlo Harti, codka ugu weyn ee siyaasadda waxaa leh Warsangeli. Intaas Firdhiye wuu gartay oo wuxuu ku dooday in heer Harti looga arrinsado Ceerigaabo, laakiin hoggaamiye ku xigeenku wuu garan la’ yahay arrintaas oo wuxuu doonayaa inuu Ceerigaabo ku ololeeyo.
Badhtamihii 2022 Xaglatoosiye ayaa Laascaanood soo booqday isagoo watay urur siyaasadeed waraabe-u-taag ahaa oo magaciisu ahaa Shacabka. Wuxuu la tartamayay Cataash oo sitay urur kaas la mid ah oo la yiraahdo Waaberi. Horgale Caaglesare Mahad Cambaashe ayay labadaba hoos tagayeen. Laascaanood oo shanta galabnimo la seexdo ayay Cataash iyo Xaglatoosiye doonayeen inay ururrro siyaasadeed ka soo saaraan. Xaglatoosiye isagu wuxuu 2013 la heshiiyay maamulka Somaliland isagoo ku dooday in “dadkiisu ku dhinteen dagaalkii Kalshaale”.
Sababta Puntland ku badbaadday siyaasad ahaan waa inay iska dhowrtay taageerista hal dhinac oo SSCK ah halka Somaliland ay xoogga saartay taageerada hal koox oo la shaqaynaysay tan iyo 2003 markii Faratoon ciidanka Somaliland keenay Yagoori, hase haatee oo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland marxuum Maxamed Cabdi Xaashi ka aamusay khiyaanada Faratoon sameeyay. Waxaa xigtay in 2007 Xaabsade oo wata Ina Caydiid Dhadhable uu ciidanka Somaliland ka soo galiyay Waqidari — duleedka Koonfurta Laascaanood. Horgale Mahad Cambaashe ayay Somaliland kaga maarantay Xaabsade. Somaliland aad ayay ugu hiillisay horgale Cambaashe oo miliishiyadiisii markii ay isku dheceen miliishiyada beesha Axmed Karaash.
SSC iyo Khaatumo, oo ahaa labo isku day oo lagaga horjeeday maamulka Somaliland, waxay la kala heshsiiyeen Siilaanyo 2013 iyo 2017. Waxba kama faa’idin. Nin maalin dhoweyd Laascaanod ka kaftamay wuxuu yidhi “ Dr Shiine in yar oo fallaaganimo ah ayaa ku jirta, nin Nugaal fahmaya ma aha. Nugaal waxaa joogi jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo dejiyay xeerka xujoobista. Canjeel talo waa’!”
Dagaalkii 2023 Laascaanood ka dhacay wuxuu sababay qalalaasaha juqraafi-siyaasadeed (geopolitical) ka taagan Geeska Afrika. Isbahaysiyo badan ayaa ku burburay Goojacadde. In Itoobiya soo hunguriyeso bad Soomaaliyeed Soomaaliya oo dal madaxbannaan ah baa xigtay.
© Puntland Post, 2025