Dowladda Puntland ayaa caddaysay in aysan Villa Somalia ku aamini karin xogta ku saabsan Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah, sababo la xiriira in ay dowladda Federaalka ka tirsan yihiin xubno sare oo kamid ahaa Argagixisada.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayay ku caddaysay in aan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu aamini karin xogta ku saabsan Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada, maadaama DFS ay ka tirsan yihiin qaar kamid ah hoggaamiyaashii mileeshiyaadka Al-shabaab.
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Saaxiibada Caalamiga ah ka dalbatay in ay ka caawiyaan Hawlgalka lagu baabi’inayo Argagixisada Daacish, kaasi oo ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay burburiyaan inta badan godadkii ay ku dhuumanayeen kooxahaasi.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay Saaxiibada Beesha Caalamka kaga dalbatay in ay Ciidamada difaaca Puntland ka taageeraan dhinacyada duqaymaha Cirka, Rasaasta iyo Saadka lama huraanka u ah Ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah.
Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka
PUNTLAND POST