MUQDISHO (SMN) – Wasiir ka tirsan XFS ayaa sheegay in hay’adaha iyo deeq-bixiyaasha qaarkood ay siyaasadeeyaan gargaarka bani’adanimo halka mas’uuliyiinta Jubbaland ay sheegayaan in arrimo siyaasadeed awgeed shacabka maamulkaasi looga jartay gargaarkii ay xaqa u lahaayeen.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qeylo dhaan ka muujisay in hay’adaha gargaarka ay siyaasadeeyaan howlaha bani’aadanimo xili kumanaan kamid ah shacabka reer Jubbaland ay la il daranyihiin cunuqabateyn dhinac kasta ah oo ay saartay dowladda Soomaaliya.
Dowladda ayaa muujisay dulqaad yarideeda ku aadan in la siyaasadeeyo gargaarka iyada oo arrimaha siyaasadeed ee ay isku hayaan Jubbaland awgeed uga jaratay gargaarka shacabka reer Jubbaland ee ku noolaa kaalmada bani’aadanimo.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in ay la socdaan deeqaha siyaasadeysan ee hay’adaha iyo deeq-bixiyayaasha qaar laga yaabo in ay geeyaan goobo aysan baahi ka jirin, waxa uu tilmaamay in il gaar ah ay ku hayaan, isaga oo faray in hay’adda SoDMA loo daayo howlaheeda, deeqahana siyaasadda laga fogeeyo.
Dhankiisa wasiirka gargaarka mamaulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo qaaday duulaan dhinac kasta ah, ayna go’doomisay shacabka reer Jubbaland.
Dowladda oo u dulqaadan la’ in Hay’adaha gargaarka ay maamulaan qeyb kamid ah gargaarka bani’aadanimo iyo go’doominta shacabka Jubbaland ayaa waxaa saaran calaamad su’aal? ma dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay siyaasadeyso gargaarka kaliyana ay gayso meelaha laga taageersanyahay siyaasadeheeda iyada oo la caburinayo loona diidayo gargaarka deegaanada ay maamulaan dowlad goboleedyada ka aragtida duwan Villa Soomaaliya, sida Jubbaland?
Dowladnimada Soomalaiya waa dalad ay harsanayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed si kasta oo ay u kala aragti duwanyihiin, waana mas’uuliyad saaran madaxda qaranka in si siman dadka Soomaaliyeed ay u gaarsiiyaan gargaarka bani’aadanimo oo ka baxsan xeyndaabka siyaasadda.