Shirkii labaad oo ku saabsan Xallinta colaad Beeleedda ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug ayaa Maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aaden (Gaboobe) ayaa si wada jir ah u shir Gudoomiyey shirka labaad ee guddiga Wasiirada Labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo ah guddiga Labada Madaxweyne u xilsaareen xal u helidda colaadda Galbeedka Gobolka Mudug.
Labada dhinac ayaa si wadajir ah u sheegay in Shirkaan oo ah kii labaad ee Guddiga Wasiirada labada Dawladood ee Puntland iyo Galmudug uu Maanta ku saabsanaa dhegeysiga guddiga farsamada labada beelood ee hawsha nabadaynta ku soo jiray muddo 3 bilood ah.
Guddiga farsamada ayaa soo jeediyey Warbixinta guud ee colaadda Galbeedka Gobolka Mudug, wixii u qabsoomay iyo caqabaha taagan ee aan weli xal loo helin iyo taladooda maanta ee ah sidii colaaddaan loo soo afjari lahaa.
Intaas kadib, wada hal dheer iyo niqaash ku saabsan habka ugu haboon ee loo heli karo xalka nabadda waxaa la isla qaatay in berri dib loo balamo iyada oo la isla qaadanayo in la gaaro go’aamo wax ku ool ah.
PUNTLAND POST