BELEDWEYNE (SMN) – Qeyla dhaan xoogleh ayaa laga muujinayaa dagaal beeleedyo soo laalaabtay oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa deegaano dhaca xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Labadan maleeshiyo ayaa kasoo kala jeeda labada gobol iyadoo la tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay ay jireen dagaallo dad ay ku dhinteen oo dhexmaray.
Xildhibaan hore Cabdi Maxamed Guure oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isla-markaana nabad lagu beddalo.
Colaadda beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa soo jiitameysay in muddo ah iyadoo tira dhowr jeer ah la xalliyay colaadda, balse aanan si rasmi ah loo dhaqangelin heshooskooda.