MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibada beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubaland, kadib shirkii golaha wadatashiga qaran ee dhawaan soo idlaaday.
War-murtiyeedka wadajirka ah ee maanta la sii daayay ayaa ku booriyay daneeyayaasha inay ka qaybgalaan ” doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay ” oo ku saabsan hannaanka doorashada. Baaqa wada hadalka ayaa yimid kadib markii Jubaland ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, taasoo sii kordhisay xiisadda.
“Waxaan ka codsaneynaa Dowlad Goboleedka Jubaland in ay dib ugu soo laabtaan NCC si ay uga wada hadlaan arrimaha taagan, isla markaana ay dib u soo celiyaan xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Wada-hawlgalayaashu waxay sidoo kale ku dhiirigeliyeen dhammaan dhinacyada inay “ka fogaadaan daan-daansiga oo ay dib uga qaybgalaan wadahadal furan, ka hor inta aan la dhamaystirin hababka doorashada.”
Beesha Caalamka ayaa ka dhawaajisay inay taageersan tahay dadaallada lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan tilaabada loo qaadayo doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxay u ololeeyaan hab doorasho oo loo dhan yahay, si weyn loo aqbalay, la gaari karo, dammaanad qaadaya amniga iyo xasilloonida qaranka.