LONDON (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa maanta hoolka UK (𝐔𝐊 𝐏𝐚𝐯𝐚𝐥𝐢𝐨𝐧) ee #COP29 kala qeyb gashay madal ay soo qaban qaabisay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Marwo 𝐀𝐧𝐧𝐞𝐥𝐢𝐞𝐬𝐞 𝐃𝐨𝐝𝐝𝐬.
Wsiir Khadija ayaa khudbadeeda kusoo bandhigtay waayo aragnimada Soomaaliya ee ku guuleysatay $79.7 milyan oo ka timid Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) ee loogu talagalay mashruuca “Adkeysiga Cimilada ee Beeraha (Ugbaad),” oo ay iska kaashanayaan Dowlada Soomaliya iyo FAO.
Mashruucan wuxuu muhiim u yahay xoojinta nidaamyada cunnada ee Soomaaliya, waxaana uu si dhow ula jaanqaadaa yoolalka Qorshaha Waxqabadka Qaranka (NAP) iyo (NDC), taas oo gacan ka geysanaysa horumar waara iyo adkaysiga cimilada.
Ansixinta mashruucan muddo gaaban oo shan bilood ah waxay muujinaysaa waxtarka dadaallada joogtada ah ee dowladda, fududeynta habraacyada,habraacyada iyo saameynta ay leeyihiin iskaashiyada xooggan ee caalamiga ah.
Wasiir Khadija ayaa carrabka ku adkeeysay muhiimadda ay leedahay hoggaanka siyaasadeed ee joogtada ah, taageerada farsamo, iyo iskaashiga lama huraanka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah si loo gaaro horumar waara.
Gunaanadkii madasha, Wasiir Khadija ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay sii wadeyso dadaalladeeda ku aaddan yoolalka cimilada iyo horumar waara, iyadoo u heellan in laga dhigo mustaqbalka Soomaaliya mid adkeysi leh oo waara.