Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macallin Xasan ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Duulista Caalamiga ah ee ICAO.
Mas’uuliyiinta ICAO iyo Maareeyaha oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sidii lagu horumarin lahaa iskaashiga farsamo ee labada Hay’adood iyo qiimeeynta sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay baarista farsamo oo dhawaan Hay’adda ICAO ku samanayso Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa lagu faaqiday siyaabaha lagu xoojin karo awoodda farsamo ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya iyo hubinta waafaqsanaanta Hawlaha Hay’adda ee shuruucda iyo heerarka Duulista Caalamiga, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Hay’addu.
“Booqashada wafdigan ayaa ka dhigan tilaabo horumar leh oo loo qaaday dhanka xoojinta khibradda farsamo iyo heerarka howlgelinta shaqooyinka Hay’adda, waxay jidka u xaareeysaa in Duulista Rayidka Soomaaliya ay bixiso addeeeg leh badqab la hubo isla markaana heerkiisu sareeyo” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
PUNTLAND POST