Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaamka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Puntland ayaa si buuxda u taageeray in Jubaland doorashadeeda qabsato.
Bayaan ka soo baxay xubnahan oo ka kooban 26 mudane ayay ku sheegeen in ay si buuxda Jubaland ugu garab taagan yihiin in ay doorashadeeda qabsato, islamarkaana si adag u diidan yihiin mudda kororsiga dowladda Federaalka Soomaaliya u samaysay dowlad goboleedyada.
Xubnahan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ka abuurayso degaannada Puntland iyo Jubaland, waxaana ay uga digeen Villa Somalia tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah amniga iyo xasiloonida labadaasi dowlad goboleed.
Dhinaca kale, waxay dowladda Federaalka uga digeen siyaasadaynta mashaariic horumarinta oo sida ay sheegeen dowladdu u adeegsanayso cuna-qabatayn ka dhan ah dowlad goboleedyada uu khilaafka siyaasadeed kala dhexeeyo Villa Somalia.
Halkaan ka akhriso Mawqifkooda
PUNTLAND POST