Xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe ayaa si rasmi ah loo dhaariyay Saaka oo Sabti ah, kadib munaasabad ka qabsoontay xarunta PDRC ee Garoowe.
Xildhibaannada golaha degaanka Garoowe oo ka kooban 33 xubnood ayaa dhammaantood saaka soo xaadiray munaasabadda dhaarinta islamarkaana waxay doorteen duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa ee shanta sano ee soo socota.
Duqa caasimadda Garoowe ayaa mar kale loo doortay Geeddi Axmed Tuurre oo ka tirsan xisbi siyaasadeedka xukuumadda Puntland ee Kaah halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed Cali Xamari oo isna ka tirsan xisbigaasi.
Tan ayaa ku timid heshiis dhawaan dhexmaray qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo lagu go’aamiyay in xisbi siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah uu qaato maayirka caasimadda Garoowe iyo ku xigeenkiisa.
Heshiiskaasi waxaa ka horyimid inta badan xubnaha golaha degaanka Garoowe oo doonayay in isbeddel maamul ka dhaco caasimadda balse waxa ugu danbayn xubnihii mucaaridka ahaa lagu qanciyay in ay heshiiska aqbalaan.
PUNTLAND POST