MUQDISHO (SMN) – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah Maxamed Shire ayaa xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) ku soo dhaweeyey isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr George Conway oo soo booqday xarunta.
Mas’uuliyiinta ayaa yeeshay kulan gaar ah iyadoo Warbixin laga siiyey isku duwaha habsami usocodka howlaha diyaarinta Qorshaha ee todobaadkii Saddexaad ka socda halkaan, waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen mas’uuliyiintu xoojinta iskaashiga dowladda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha UN-ka iyagoo isla soo qaaday sida ay muhiim u tahay in Qaramada Midoobay ay taageero dhaqaale ka geysato diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee socda.
Kulanka ka dib mas’uuliyiinta ayaa kormeeray Sheybaarada ay ka socoto diyaarinta Qorsahaha Qaranka waxaana Mr Conway uu muujiyey sida uu ugu qancay shaqada ka socota xaruntaan.