Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu weheliyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu Muqdisho ku qaabiley Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns.
Kulanka waxa diiradda lagu saaray iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
PUNTLAND POST