Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Spain, Rodri ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or oo la siiyo ciyaartoyga kubadda cagta ee ugu wanaagsanaa sannadka.
Rodri oo 28 jir ah ayaa kooxdiisa Manchester City ka caawiyay ku guuleysiga horyaalka Premier League markii afraad oo xiriir ah sanadkii hore, halka uu dalkiisa Spain ku hoggaamiyay Euro 2024.
Rodri ayaa abaalmarintan qaaliga ah ka qaaday laacibka Real Madrid ee Vinícius Júnior oo dad badani u saadaalinayeen, kaas oo ka maqnaa munaasabadii lagu bixiyay. Ballon d’Or waxaa u codeeya 180 wariye oo ka kala socda guud ahaan caalamka.
PUNTLAND POST