Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland ayaa Maanta mar kale u furmay Madaxda dowladda Federaalka iyo Saddex Maamul Goboleed oo uu weheliyo Gobolka Banaadir.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu mar kale Maanta dib u furmay Shirkii Madasha Qaran, kaasi oo uu shir-guddoominayo Madaxweynaha dowladda Federaalk soomaaliya, oo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka kowaad Saalax Axmed Jaamac.
Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Shirka looga arrinsanayo Qodoba ay kamid yihiin; amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta, sida ku xusan Qoraal ka soo baxay Villa Somalia kadib Furitaankii Shirka.
PUNTLAND POST