“Nin abeeso koriyow adigaa u aayi, axdi malaha Xabashidu laga aaminaayo” ereyo ka mid ahaa hees uu qaaday AUN Yaasiin Axmed Digfeer.
Garoowe (Faallo) — Bishii Maajo 1984kii waxay ciidammada taliskii Dergiga ee Itoobiya ku xasuuqeen xeryo ku yiil dhulka Soomaali Galbeed ciidammo ka tirsanaa ururkii SSDF. Ismaandhaafkii dhexmaray Madaxweynihii Itoobiya Mengustu iyo marxuum Cabdullaahi Yuusuf 1982kii ayaa sabab u ahaa xasuuqaas. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu 1982kii ka hor yimid sheegashadii Mengistu in Galdogob iyo Balanbaalle ka tirsan yihiin Itoobiya.
Ciidanka Itoobiyaanku waxay 1984kii soo bandhigeen qorshe ciidanka SSDF iyo ciidanka Itoobiya ay weerarro ugu qaadayaan Soomaaliya. Saraakiishii sarsare ee ciidammada SSDF way ka hor yimaadeen go’aankaas waayo waxay u arkayeen in Itoobiya sheeganayso dhul ka mid ‘Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya.’ Weerarka lagu laayay ciidammadii SSDF kaddib ciidammo badan oo SSDF ka tirsanaa ayaa u soo baxsaday Soomaaliya.
Mengistu Haile Marian ayaa amray in weerar lagu qaado ciidammada SSDF si hub ka dhigis loogu sameeyo. Dagaal socday 5 maalmood ayaa dhacay oo dhimasho iyo dhaawac badan sababay. Dhowr bilood kaddib weerarkaas dowladda Itoobiya ayaa 1985kii xabsiga u taxaabtay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku qoray buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo in dowladda Itoobiya qabtay tuhun ahaa inuu ciidammada SSDF ka rarayo Itoobiya kaddib booqashooyin uu ku tagay Liibiya iyo Yementii Koonfureed. Kala-jab weyn ayaa ku dhacay SSDF. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku dooday in xubno ka tirsanaa SSDF ay la shaqaynayeen Itoobiya iyo in Wasiirkii Gaashaandhiga Itoobiya uu ku amray inuu hoogaaminta SSDF ku wareejiyo marxuum Maxamed Faarax Jimcaale.
Midowgii Soofiyeeti, oo dhisidda Nabadsugiddii Soomaaliya (NSS) kaalin weyn ku lahaa kuma faraxsanayn in Cabdullaahi Yuusuf gacansaar la lahaa Itoobiya. In Cabdullaahi Yuusf diiddanaa hantiwadaag iyo shuuciyadda wax qarsoon ma ahayn, laakiin waxaa la garan la’aa sababta uu gacansaar u la yeeshay Itoobiya oo uu ka jiray talis shuuciyad ku dhaqma oo ku tiirsanaa Midowgii Soofiyeeti. Dowlada Itoobiya kalsoonidarro badan ayaa soo foodsaartay markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahayd Midowgii Soofiyeeti.
Sanadkii 1982 hogaamiyihii Midowgii Soofiyeeti Yuri Andropov ayaa baajiyay booqasho uu Mengustu ku tagi lahaa Moosko. 1982kii wuxuu ahaa sanadkii Itoobiya qabsatay Galdogob iyo Ballanbaale kuna xadgudubtay Cahdiga Midowga Afrika ku saabsan dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururkaas. Midowga Soofiyeeti wuxuu aqbalay in Itoobiya ku xadgudubtay go’aankii Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ciidammadii Soomaaliya kaga soo saareen Soomaali Galbeed 1978kii. Cyrus Vance, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka Cyrus Vance ayaa 1978kii sheegay in Maraykanku hubeyn doono Soomaaliya haddii ciidammada Itoobiya soo galaan Soomaaliya.
Midowga Soofiyeeti oo diiddan weerarka Itoobiya ku qaadday Soomaaliya ayaa ku gacansayray dalabkii Mengistu ku doonayay hub badan. Cabdullaahi Yuusuf wuu ogaa cadaadiska diblomaasiyaadeed saarnaa Mengistu oo doonayay inuu aalad ka dhigto ciidammada SSDF si uu ugu sii doodo in dhul Soomaaliyeed ka mid yahay dalka Itoobiya.
Casharrada laga baran karo taariikhdaas 40 sano ka hor dhacday waa in danaha uu dal leeyahay in danaha urur ama ururro ku tiirsan dalkaas ay leeyihiin ay had iyo jeer iska hor yimaadaan. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa hadda ku socda waddadii Mengistu uu ku socday. Abiy wuxuu mar sheegtaa inuu diyaar u yahay inuu u dagaallamayo Maraykanka, marna inuu la jiro Ruushka iyo dalalka ku midoobay BRICS.
Taariikhda ururkii SSDF oo buugag dhowr ah (ku salaysan xusuus) ay ka qoreen xubnihii ururkaas, xubno horena laga wareystay waxay dhalisaa su’aalo badan. Ma in SSDF sii jiri karto ayay aamminsanayeen xubnihii SSDF ku sii haray Itoobiya xasuuqii 1984kii lagula kacay ciidammadii SSDF iyo xiristii Cabdullaahi Yuusuf kaddib? Mise way xeeladaysanayeen si taliskii dhiigyacabka ahaa ee Mengistu uusan u dhibaataynin iyaga?
© Puntland Post, 2024