Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa si adag u difaacay Xildhibaannadii Reer Koonfur Galbeed ee taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee degaannada Maaamulkaasi.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo Maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kadib safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa bogaadiyay mowqifka Xildhibaannada Reer Koonfur Galbeed ee taageerada u muujiyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Maamulka Koonfur Galbeed.
“25-kii Xildhibaan ee taageertay rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed, Xasaanada waxay ku matalaan dadkooda Koonfur Galbeed ee qabiil kale kama qaadi karo kumana matalaan, dalku waa fedaraal” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ceeb iyo wax laga xumaado ku tilmaamay Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Odayaasha Beelaha Muqdisho ee colaadda u muujiyay dadka Reer Koonfur Galbeed “Hadii ay Soomaalinimo jirto reer Koonfur-galbeed ayey ka bilaabataa, Muqdisho waxa kasoo yeeray waa wax ceeb ku ah midnimada” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Lafta Gareen.
Halkaan ka daawo Madaxweyne Lafta Gareen
PUNTLAND POST