Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Sii hayaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudane Xamse Cabdi Barre uu Xafiiskiisa ku qaabiley Sii hayaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xamse iyo Sii hayaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u u qaabilsan Soomaaliya James Swan ay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha QM iyo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.
PUNTLAND POST