Muqdisho (Faallo PP) — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ka qeybgalay shirkii Muqdishu ugu qabsoomay magaca “Maakhir” xubno ka tirsan beesha degta Sanaag. Bidhaan wuxuu bixiyay xog ka fog runta kuna saabsan mowqifka dowladda Biritan ku aaddan dhulka maamulka Sool, Sanaag, Ceyn iyo Khaatumo ka taliyo hadda. Bidhaan wuxuu sheegay in dowladda Biritayn dhulkan u taqaanno Somaliland. Ma fahamdarro siyaasadeed ayaa haysa Bidhaan mise dadka ayuu marin-habaabinayaa? Dowladda Biritayn way og tahay in maamul Somaliland la yiraahdo oo mar ka taliyay dhulka maamulka SSC-Khaatumo oo doorasho heer federaal kaga tirsanaa maamulka Puntland markii doorashooyinkii federaalka ee 2012, 2017 iyo 2022 qabsoomeen. Dhul labo maamul ku murusan yihiin ayuu ahaa, hase ahaatee laga billaabo 6 Febraayo 2023 maamulka Puntland wuxuu taageeray xaqa ismaamul ee beelaha SSC-Khaatumo. Taas macnaheedu waa: Puntland marnaba weerar kuma soo qaadin, ma duqeynin oo isma hor taagin xaqa ismaamul ee beelaha SSC-Khaatumo ku midoobay.
Bidhaan wuxuu bixiyay xog qalad ah oo loo fasiran karo 1- in dowladda Biritayn taageeraysay duqeyntii iyo barakicintii uu maamulka goosasho-doonka ee Somaliland u geystay Laascaanood sanadkii 2023, iyo 2- In dowladda federaalka Soomaaliya oggoshahay in dowladda Biritayn leedahay mowqif taageeraya kala-goynta Soomaaliya, ka sokow mowqifkeeda rasmiga ah oo taageera midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.
Warbixintii Machadka Rift Valley soo saaray sanadki 2021 oo ay maalgelisay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Biritayn kuna saabsanayd Laascaanood ayaa iftiimisay in Laascaanood uu ka jiray maamul xitaa lacagtiisu aysan ka soconin magaalada. “Doollarka iyo Shilin Soomaali ayaa laga isticmaalaa Laascaanood, halka shaqaalaha maamulka Somaliland mushaarka lagu siiyo Shilinka Somaliland oo ay u beddeshaan Shilin Soomaali” ayay warbixintu qortay.
Waajib ayaa saarnaa dowladda federaalka Soomaaliya sanadkii 2023 ah inay si cad uga soo horjeesato hadalkii Muuse Biixi ahaa “inuu Laacaanood kula dagaallamayo Al-shabaab, iyo inuu yahay dal gaar ah, xabad-joojintuna ku salaysnaato xal laba dal”. Dowladda federaalku waxay, iyadoo weli colaadda Sool aan xal laga gaarin, heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland Diseembar 2023, heshiiskaas oo dib u cusboonaysiiyay heshiis hore (2020) uu qodobbo ka mid ah maamulka Somaliland u cuskaday barikicintii qasabka ahayd uu sanadkii 2021 ka geystay magaalada Laascaanood. U dabacsanaantaas xad-dhaafka ah ay dowladdda federaalku u muujisay maamulka goosasho-doonka ah ayaa sababtay in Muuse Biixi heshiis uu bad ku kireynayo la galay Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.
Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) ayaa sanadkan billowgiisi ku eedeeyay dowladda Biritayn inay la jirto maamulka Somaliland. Ma Bidhaan buu ahaa qofka xogta aan sugnayn siiyay Firdhiye? Bidhaan iyo xubnaha kale ka soo jeeda dhulka SSC-Khaatumo waxaa lagu doortay Garoowe, hase ahaatee hadda waxay fuliyaan siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya. Waa wax laga xumaado in Bidhaan xog-warran marin-habaabin ah ka soo jeediyay shirka “Maakhir”. Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadka uu metelo uma baahna in cadaw loo sameeyo. Maamulka SSC-Khaatumo waa inuu caddeeyo in Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka fadhigiisu yahay Laascaanood u xilsaaran yihiin dejinta, ka hadlista siyaasadda maamulka iyo la xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
© Puntland Post, 2024