Muqdisho (Faallo ) — Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, waxaa saaran miiskiisa gal qarsoodi ah. Waxaa ku qoran soo koobista sida siyaasiyiinta Soomaalidu ugu tiirsanaayeen Itoobiya tan iyo 1978. USC iyo SNM iyo SPM waxay 1990 ku shireen Mustaxiil si taliskii Mengistu ee Itoobiya uu sahay iyo saanad ugu taageero si taliskii kacaanka loo afgambiyo. Isbeddelkaas macne ayuu u leeyahay Itoobiya si la mid ah sida uu macne ugu leeyahay markii 2006 ciidammadeedu soo galeen Soomaaliya iyagoo ku doodaya inay is difaacayeen oo ay difaacayeen dowladdii ku meelgaarka.
Dagaal labo sano socday (2007-2009) wuxuu Itoobiya baray inaysan Soomaalida ku qasbi karin waxa ay rabto. Itoobiya waxaa taageersanaa Galbeedka oo u oggolaaday inay hub ka soo iibsato Waqooyiga Kuuriya si ay ula dagaallanto xoogaggii iska caabbinta. Heshiis dhexmaray dowladdii ku meelgaarka iyo ururkii Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya 2008 ayaa sababay in ciidammada Itoobiya laga saaro Soomaaliya.
Yaa ciidanka Itoobiya dib ugu soo celiyay Soomaaliya?
Sanadkii 2014 ayay dowladda federaalku heshiis la saxiixatay Itoobiya. Heshiiskaas labo-geesoodka ah ayaa u oggolaaday in ciidammada Itoobiya ku soo noqdaan Soomaaliya. Kooxda Damuljadid oo talada markaas haysay ayaa go’aankaas qaadatay. Ma jirin siyaasi ka hor yimid go’aanka dowladdii federaalku ku jebisay heshiiskii ciidammada Itoobiya lagaga saaray Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 2015 khudbad ka jeedinayay 40-guuradii ururka TPLF ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhowro dhaxalkii Meles Zenawi. Waxaa xusid mudan in Itoobiya adeegsatay 2013 hanjabaad dadban markii Ra’iisal Wasaare Haile Mariam Desalegn sheegay in Itoobiya difaaci doonto maamulka Somaliland haddii ay Soomaaliya soo weerarto. TPLF, oo maanta dhulkeedu la daalaadhacayo saameyntii dagaalkii Tigray (2020-2022), waa urur aad ugu ololeeyey burburinta qarannimada Soomaaliya.
Farmaajo oo soofeeyey damaca Itoobiya
Dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sidoo kale gashay gef halis ku ah danaha qaranka markii Abiy Ahmed soo booqday Soomaaliya 2018 isaga oo sitay barnaamij uu u bixiyay Isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika (Horn of Africa Economic Integration). Madaxweyne Farmaajo uma sheegin Abiy Ahmed inuu kala tashan doono Baarlamaanka iyo Aqalka Sare hindisaha “isdhexgalka dhaqaale”. Madaxweyne Farmaajo wuu oggolaaday hindisaha uu Abiy Ahmed ku rahmaday afar dekadood oo Soomaaliyeed isagoo ku dooday in Itoobiya isticmaali doonto afarta dekadood. Abiy wuxuu maalgeliyayaal shisheeye ah u sheegay inuu haysto oggolaansho uu ku isticmaalo dekado Soomaaliyeed.
Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sanadkii 2020 ku qoray majalladda Foreign Affairs maqaal uu kaga soo horjeestay hindisaha Isdhexgalka Dhaqaale ee Geeska Afrika, mowqofkiisu wuu isbeddelay markuu booqday Eritreeya 2022 halkaas oo ciidammo Soomaaliyeed lagu tababbarayay.
U dabacsanaan xad-dhaaf ah ayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u muujiyeen Itoobiya iyaga oo aan waxba ka baranin fashilkii dowladdii ku meelgaarka (2004-2008) oo lagu eedeeyey inay ku tiirsanayd Itoobiya. Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ma wuxuu halis ku ahaa danaha qaranka Soomaaliya markii uu Cabdullaahi Yuusuf Axmed ahaa madaxweyne? Sanadkii 2023 dowladda federaalka Soomaaliyeed waxay heshiisyo sir wadaagis iyo difaac la saxiixatay Itoobiya oo Janaayo 2024 heshiis is afgarad ay bad Soomaaliyeed ku qaadanayso la gashay maamulka goosasho-doonka ah ee Somaliland.
Wareerka Abiy Ahmed haysta waa inuu kala dooran la’ yahay siyaasiyiinta Soomaalida oo doonaya inay ku tiirsanaadaan Itoobiya. Waa siyaasiyiin leh ujeeddooyin lid ku ah qarannimada Soomaaliya oo baarlamaankeedu iyo Aqalkeeda Sare ay taageeraan la xisaabtan la’aanta dowladda federaalka.
W.Q. Maxamuud M. Tallan (Iskeerso)
© Puntland Post, 2024