Xildhibaan Cabdiraxmaan SH. Maxamed Xasan Gablax oo katirsan Barlamaanka Puntland degaan doorashadiisuna tahay gobolka Mudug ayaa ka digey heshiis ay guddiga gacanta ku haya dekedda Garacad la galaan shirkad laga lee yahay waddanka Imaaraadka Carabta.
Gablax ayaa uga digey guddiga Wadaagsin ee dekedda maamula in ay galaan heshiis aan la shaacin, wuxuuna xusay in heshiis aan lagala tashan waxgaradka iyo bulshada gobolkaasi uu wiiqi doono xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo bulshada Soomaaliyeed.
“Anigoo ku hadlaya xilka xildhibaanimo ee laga soo doortay degmada Jarriiban, waxaan halkaan uga digayaa Guddida Shirkadda Wadagsan inay ku degdegaan heshiis aan la shaacin oo khuseeya Dekedda Garacad oo ay la galaan shirkad ay dawladda Imaaraadka Carabtu leedahay.
“Shirkada Wadagsan keligeed iskama leh dekedda Garacad. Odoyaasha iyo dadka aan kasoo jeedo ee Mudug lagalama tashan hantidooda ay maalgashadeen, waxayna ka walaacsan yihiin hubanti la’aanta uu heshiiskani ka dhex abuuri karo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta” ayuu yiri Xildhibaan Gablax.
PUNTLAND POST