Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid Hadal uu dhawaan sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo ahaa in gebi ahaanba Ciidamada Itoobiya dalka laga saarayo dhammaadka Sannadkan 2024.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii Warbaahinta ka sheegay in Ciidamada Itoobiya guud ahaan Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka sannadka 2024 markaasi oo uu dhammaanayo Wakhtiga Joogitaanka Hawlgalka ATMIS.
Waxaase Tallaabadaasi ka horyimid Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed kuwaasi oo labaduba sheegay in haddii Ciidamada Itoobiya dalka laga saaro taasi fursad siinayso kooxaha Al-shabaab in ay dib u qabsadaan dhulka ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in haddii la saarayo Ciidamada Itoobiya ay u baahan tahay in Wada tashi laga yeesho islamarkaana aysan cid gaar ah go’aankeeda ku bixi karin sida ay labadaasi mas’uul ka soo xigtay VOA-da.
“Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan halka Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed uu yiri” Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto”.
PUNTLAND POST