Xaafadda Hodon ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa guud ahaan biyaha laga jari doonaa muddo laba bilood ah.
Waxaa la jari doona hanaanka biyo gelinta iyo dhammaan adeegyada ciidda hoos mara sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dawladda hoose ee Garoowe.
Xoghayaha dowladd hoose ee caasimadda Maxamuud Cali Gurey ayaa shacabka degan xaafadda Hodon ugu baaqay inay kaydad biyo diyaarsadaan muddadaasi.
Tallaabadaan ayaa qayb ka ah qorshaha biyaha roobka looga saarayo xaafaddaasi iyo guud ahaan magaalada Garoowe.
PUNTLAND POST