Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xoghaye Anthony Blinken Mar uu la hadlay Wasiirka Difaaca Israel, waxa uu carabka ku adkeeyay sida adag ee Washington ay uga go’an tahay ammaanka Israel.
Wasiirka arimaha dibadda maraynkana Anthony Blinken Waxa uu xaqiijiyay hadafka guud ee u dhexeeya Israel iyo America ee ah in laga adkaado Xamaas.
Wuxuu kala hadlay wasiirka difaaca Israa’iil xaaladda Gaza iyo dadaallada socda ee lagu sii deynayo la haystayaasha,wuxuu xaqiijiyay in ay kasoo horjeedaan howlgal weyn oo ciidamada dhulka ay ka fuliyeen Rafah.
Blinken Waxa uu carabka ku adkeeyay baahida degdega ah ee loo qabo in la ilaaliyo rayidka iyo shaqaalaha gargaarka ee Gaza,isagoo ku booriyay Wasiirka Difaaca Israa’iil in uu xaqiijiyo gelitaanka bini’aadantinimo ee Gaza.
Israa’uuk ayuu Ku booriyey inay gacan ka geysato wax ka qabashada caqabadaha hortaagan qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee gudaha Gaza.
PUNTLAND POST.