13- Golaha Wasiirrada oo ansixiyay wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda.
14- Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa isku taacay in ay wadajir isaga kaashadaan Amniga iyo Dhaqaalaha kadib safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
15- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa markale ku celisay in Roobka gu’ga ee ka curtay dalka sida saadaasha sheegeyso uu wato daadad iyo fatahaado, lagana cabsi qabo inay saameeyaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof.
16- Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan ciribtirka maandooriyaha oo khatar ku ah nolosha bulshada caasimadda.
17- Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa Taliyihii Booliska ee Degmada Heliwaa, Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, kadib markii lagu helay inay nin ganacsade ah ku dileen magaalada Muqdisho.
18- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar ka fuliyay deegaano ku yaalla Xarardheere ee gobolka Mudug, kuna dilay ku dhawaad 50 ka tirsan Khawaarijta.
19- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka Turkiga Alper Aktaş uga tacsiyeeyay dilka muwaadin Turki ah oo ka dhacay Muqdisho kadib weerar argagixiso oo lagu qaadey.
20- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa isku fidiyay dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Shabeellha Hoose iyagoo ku guda jira hawlgalo milateri oo ka dhan ah Khawaarijta.
21- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska kala qeyb galay afur, isagoo kula dardaarmey dardargelinta sugidda amniga.
22- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay 27 maliishiyaad ka tirsan Khawaarijta, qaar kalena nolosha ku qabtey.
23- Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey weerar ay Khawaarijtu doonayeen inay ku soo qaadaan degmada Balcad, iyagoo dilay 11 ka mid ah argagixisada.
24- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka kalluumeysta biyaha Soomaaliya inay ka fogaadaan kallumeysiga sharcidarrada ah.
25- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Cusub ee UNFPA Soomaaliya Dr. Mary Otieno.