Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii u horraysay caddeeyay mowqifkiisa go’aankii SSC-Khaatumo iyo arrimaha doorashada 2024.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayuu si buuxda ugu taageeray go’aankii masiiriga ahaa ee reer SSC-khaatumo ku sheegeen in ay ka baxeen Puntland.
Axmed Karaash ayaa sidoo kale soo dhaweeyay bayaankii xalay ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland ee lagu go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.
“Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas” ayuu yiri mudane Axmed Karaash.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan marnaba aqbali karin in suuqa laga qorto 17 xubnood oo aan matalaad ka haysan dadka reer SSC-khaatumo .
“Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.
Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni” ayuu yiri sii raaciyay qoraalkiisa.
PUNTLAND POST