Dalladda Musharrixiinta Mucaaridka Puntland oo hadda shir gaar ah uga socdo magaalada Garoowe ayaa ka arrinsanaya mowqifkooda go’aankii SSC-khaatumo iyo arrimaha doorashada 2024.
Warar hordhac ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubnaha dallada Mucaaridka ee shirsan intooda badan isku raacsan yihiin in doorashada Puntland lagu galo 49 xildhibaan, iyadoo la tix-gelinayo go’aankii SSC.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dalladda Musharrixiinta Puntland qorshaynayaan shirkooda kadib in ay ku dhawaaqaan in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan, islamarkaana aan suuqa laga qoran xubno ka soo jeeda SSC-Khaatumo.
Dhinaca kale, xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni weli ma caddayn Mowqifkooda ku aaddan go’aanka SSC ku sheegeen in aysan cidna uga qayb geli doonin doorashada soo socota ee Puntland.
PUNTLAND POST