Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo goor dhaw ku wargeliyay Guddoonka Baarlamanka in ay Kulan Wada-tashi ah ugu yimaadaan Xarunta Madaxtooyada.
Wararka ayaa sheegaya in Kulanka Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamanka looga hadlayo Xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Puntland, gaar ahaanna Khilaafka Arrimaha doorashada 2024.
Madaxweyne Deni oo habeen ka hor Kulan la qaatay qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasaddda Puntland ayaa shaaciyay in Hannaanka qof iyo cod lagu galayo doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada.
“Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabku Madaxdooda ku doortaan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.
Wuxu sidoo kale, sheegay in dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.
Dhinaca kale, dowladda iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa weli ku muransan Arrimaha doorashada, inkastoo ay socdaan dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac.
PUNTLAND POST