Hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali oo u weheliyo Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka Dr. Maaxamed Cabdi Ismaaciil ayaa kulan gaar ah la qaatay Golaha Dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Kulanka ayaa Hoggaamiyuhu kaga warbixyay Safarkii shaqo ee waftigiisu ku tagay Caasimadda.
Hoggaamiyaha ayaa Golaha uga warramay kulammadii uu la qaatay Madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa Golaha la wadaagay waxqabadyada iyo hawlaha hortebinta u leh Golaha fulinta iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidh ka Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo la leeyahay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka aha Dawladda Federaalka.