Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa digniin adag u jeediyay Somaliland oo uu ku eedeeyay in ay dhibaato ka waddo magaalada Ceerigaabo.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Axmed Karaash ayuu ku sheegay in Somaliland dhibaato iyo fad-qalalooyin ka waddo magaalada Ceerigaabo, si ay isaga hor-keento shacabka halkaasi deggan.
“Maalmihii u dambeeyey waxaan si dhow ula soconay in Maamulka Soomaaliland uu dhibaato iyo fad-qalalooyin uu iskaga horkeenayo bulshada degan magaalada Ceerigaabo uu halkaasi ka waday” ayuu yiri Axmed Karaash.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale Somaliland ugu baaqay in ay Ciidanka si deg deg ah uga saaraan magaalada Ceerigaabo, haddii kalena ay la kulmi doonaan Cawaaqib aysan mahadin.
“Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan, hadiise ay dhegaha ka furaystaan, waxay la kulmi doonaan waxaysan mahadin doonin, masuuliyadeedana iyagaa qaadi doona” ayuu sii raaciyay.
Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya, xilli Maalmahan qalalaase amni ka taagan yahay Ceerigaabo, kadib markii Somaliland beegsi ku bilowday shacabka halkaas ku dhaqan ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo.
PUNTLAND POST