Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA.
Waxaa hoggaamiyaha booqashada ku weheliyay, xubno ka tirsan Golaha Fulinta Maamulka SSC-Khaatumo iyo Ergeyga Gargaarka Bini’aadantinimo ee Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Cali Xaaji Cige.
Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Mahamuud Macallin Cabdulle oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr. Axmed Cabdi ayaa Hoggaamiyaha ku soo dhaweeyay xarunta dhexe ee hay’adda.
Hoggaamiyaha iyo weftigiisa ayaa Guddoonka hay’adda uga warbixiyay xaaladda nololeed iyo baahiyaha culus ee ka jira dhinacyada kala duwan ee nolasha deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo ay saameyn lixaad leh ku yeesheen dagaaladdii Maamulka Soomalilaan ka waday magaalada Caasimadda ah ee Laascaanood muddada 9-ka bilood ahayd.
Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa Hay’adda SoDMA ugu mahadceliyay gargaarka ay soo gaadhsiiyeen deegannada maamulka SSC-Khaatumo, gaar ahaan dadkii dagaaladu barakiciyeen ee G/sool, iyo dhaawacyadii ay Hay’addu ka soo qaadday Caasimadda Muqdisho.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa Hay’adda SoDMA ka codsaday in ay sii wadaan gargaarka bini’aadantinimo oo wali baahi aad u weyn ay u qabaan dadka ku nool deegannada maamulka SSC-Khaatumo.
Kulanka waxaa kaloo qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, isagoona ka mahadceliyay shaqooyinka ay hay’addu ka qabatay deegannadaas, kulana dardaarmay in ay SoDMA sii laba jibbaaraan dedaalada ay wadaan sidii dadka deegannadaasi ay u heli lahaayeen gargaarka ay u baahanyihiin.
PUNTLAND POST