Tirada dadka ku dhintay dhul-gariir cabirkiisu ahaa 7.2 magnitude oo gilgilay qeybo ka mid ah dalka Morocco ee Waqooyiga Africa ayaa hadda kor u dhaaftay 800 oo ruux.
Dhul-gariirka ayaa burburiyay dhismayaal, waxaana dadka ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ay guryahoodii uga baxeen cabsi ay ka qabaan dhul-gariirka oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo 2004-tii.
Dhul-gariirka ayaa waxyeelo u geystay magaalada Marrakech, oo ah tan ugu weyn ee ugu dhow halka uu sida daran ugu dhuftay, waxaana dadka ku nool ay xalay ku hoyden bannaanka iyagoo ka cabsanaya inay guryahooda seexdaan.
Minaarad masaajid ah ayaa ku dhacday fagaaraha Jemaa al-Fna, oo ah wadnaha magaalada qaddiimiga ah ee Marrakech, oo ah goob ay hay’adda UNESCO u aqqoonsan tahay taariikhi.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku boorisay in dadku is dejiyaan, iyadoo hadal laga sii daayay telefishinka ku sheegtay in dhul-gariirka uu ku dhuftay gobollada Al Haouz, Ouarzazate, Marrakech, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant.
PUNTLAND POST