MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee qeybta gobolka Banadir ayaa xalay howlgallo ka fuliyey xaafado ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, askarta ayaa baaray guryaha ay shacabku degan yihiin iyaga oo ka raadinaya hub iyo walxa kale oo wax u dhimi kara ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa sidoo kale isku soo aruuriyay dhalinyaro fara badan oo ay xaafadaha kasoo saareen, kuwaas oo ay ku sameeynayeen baaritaano.
Taliyaha qaybta Waliyow Cadde, Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale oo la hadlayey dadkii ay askartu soo qab qabteen ayaa u sheegay in ujeedka ciidanku yahay sugidda amniga, isaga oo dhalinyarada ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka oo ay soo sheegaan dadka kusoo dhax dhuumanaya ee dhibaatada wada.
Ciidamada ammaanka ayaa mararka qaar magaalada caasimadda ah ka sameeya howlgallo guryo baaris ah, kuwaas oo si kadis ah ku dhaca, ujeedkuna waxaa uu yahay in laga hortago qaraxyada iyo mashaakilaadka kale ee bulshadda laga soo dhex abaabulo.
Related