MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sii jeedo degmada Maxaaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu u tegi doono gulufka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
U diyaar garowga qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ka socota halkaasi, ayada oo si weyn loo adkeeyay amniga guud ee degmada.
Guddoomiyaha maamulka Maxaas, Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay socdaalka madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay in uu la kulmo doono ciidamada ka qayb qaadanaya dagaalka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay dadar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bil ka badan ku sugan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, isaga oo u tegay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.