Colaadda sokeeye ka taagan waqooyiga tan iyo Febrayo 2023 waxay muujisay sida garashada siyaasadeed ee siyaasiyiinta Soomaalidu ay u hooseyso gaar ahaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliyeed oo kaalintoodu noqotay mid isku dirid ah. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi eed wuu leeyahay ah inuu go’aanka siyaaasadeed uu u istcimaalay mid ula ekaaday in isaga ay gacantiisu nabaddu ku jirto. Eedda ugu weyn waxaa leh dowladda federaalka oo si cad ugu sheegi waysay maamulka Muuse Biixi in dooddiisa in Somaliland jamhuuriyad tahay ciidankiisuna soo xirayo soohdinta aysan ahayn sababo lagu laayo dad Soomaaliyeed laguna duqeeyo magaalo. Somaalland ma aha koox uu qabqable hoggaamiyo. Waa maamulka ugu da’da weyn maamullada Soomaaliya, qabtay doorahooyin, sameeyay hay’ado siyaasadeed, kasbaday in si gaar ah deeq loo siiyo. Horumarka intaas le’eg waxaa la filayay inuu bisayl siyaaseed ku abuuro siyaasiyiinta Somaliland oo maanta arkay inay dagaal kula jiraan Jamhuruuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya way gabtay waajibkeeda ah, inkastoo aysan si toos ah wax uga qaban karin colaadda, inay mowqif cad oo dhaafsiisan ku baaqis wadahadal ka istaagto dagaalka ay Somaliland ku duqaynaysay Laascaanood. Muuse Biixi uma dhaaranin dhowrista midnimada qaranka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhaartay oo uu saaran yahay waajibka inuu si cad uga hadlo mowqifka Somaliland ku bannaysatay daadinta dhiigga iyo burburinta hanti Soomaaliyeed. Mowqif cad oo dowladda federaalku ka qaadato wuxuu yarayn lahaa saameynyta dagaalka, wuxuu soo dedejin lahaa wadahadal xal lagu gaaro.
Haddaba maanta madaxda Somaliland waxaa la gudboon inay dhowraan magaca dadka ay metelaan oo aysan kursi jeceyl iyo dad kala fogeyn xoogga saarin xilli Soomaaliya ay tahay dal aan lahayn qarannimo dhammaystiran. Wixii gaboodfal oo dhacay si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhowrista xuquuqda qofka Soomaaliyeed ayaa looga wada hadli karaa, mana dhici karto in qof goosasho doonaya midnimo lagu qasbo, qof midnimo doonayana goosasho lagu qasbo.
Maadaama Somaliland doonayso inay ka go’do Soomaaliya waxay ahayd inay xusuusato in dadka deggan dhulka aan aftidii 2001 laga qaadin ay leeyihiin doorashada inay Somaliland la qaataan aragtida goosashada ama inay midnimada taageeraan. Mowqifkaas Somaliland wuxuu ka sii dhaqaajin lahaa meeshii ay taagnayd 2005, markii International Crisis Group ku baaqday in Somaliland la siiyo kursi goobjooge ah ee Midowga Afrika. Muuse Biixi wuxuu noqon lahaa hoggaamiye tusaale u noqda dulqaadka iyo dad isku wadista. Maanta eeddu ma wada saarna Muuse Biixi. Waa la sixi karay. Dowladda federaalka ayaa u aamustay si Muuse Biixi u noqdo dagaal ooge dad Soomaaliyeed ku tilmaamay argagixiso xilli Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidammo nabad ilaalin ah laguna dhaqo Cutubka 7 ( Chapter 7) waayo dal leh dowlad aan amniga dalkeeda ku filnayn oo xitaa aan ka badbaadin karin duqeyn uu maamul Soomaaliyeed ka geysanayay magaalo rayid deggan yihiin.